DAAWO:- Dhibaatada ay qabaan Ciidanka Ilaalada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0

Ciidanka Ilaalada ee Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa la soo warinayaa in iyaga iyo qoysaskooduba ay ku nool yihiin xaalad adag middii ugu adkeyd, tiiyoo aanay waxba ka qaban Villa Somalia.

Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada ee Villa Somalia, ayaa xog badan ka bixiyay xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin askarta, iyadoona uu askarigan muujiyay in nacfiga ay u baahan yihiin ka helin Villa Somalia.

Isagoo qariyay magaciisa, kana waramaya dhibaatada haysata, ayaa wuxuu yiri “Inta aan joogno Madaxtooyada waxaan ku jirnaa heegan. Madaxtooyada wax nacfi ahna kuma haysano, marka laga soo taggo in garaam saddex waqti ah, aan ku leenahay.”

“Maalinta aan ka tagno shaqada, dibna ugu laabano guryaheena waxaan ugu taagnaa cuno iyo biyo la’aan, subaxda aan ka soo foof tageynana waxaan ka soo baxnaa anagoo koob shaah xitaa ka cabin.”

“Inta aan wadada ku sii jirno waxaan dareenaa xaalad halis ah, gaari kasta oo wadada maraayana buufis baan ka qabnaa, intaas waxaan is leenahay nabad maku gaari doontaan Madaxtooyada, marka aan ka soo baxeynana waxaan isweydiinaa inaan nabad guryaheena ku taggi doono iyo in kale.”

“Marka aan fasaxa ka soo laabaneyno si dhumaaleysi ah ayaan ku imaanaa Madaxtooyada, marka aan fasaxa galeynana si qarsoodi ah, oo cidina aysan na ogayn ayaan uga baxnaa.”

“Dhibaatada aan qabno waxaa intaas dheer joogto uma qaadano mushaaraadka ciidamada la siiyo, waxaad maqleysaa dhawr bilood oo xiriir ah in ciidamada ay bilaa mushaar yihiin.

“Badanaa nolosheena, gaar ahaan waxbarashada carruurta waxaan ku dabarnaa shaxaadka aan ka helno asxaabteena. Waadna dareemi kartaa inaanan la jeclayn qof maalin kasta shaxaad la soo taagan.”

Dhanka kale baahida daran ee ay qabaan Ciidanka Ilaalada ee Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Villa Somalia ay dhaqaalo xoog lihi u adeegsaneyso doorashooyinka dalka.

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya, ayaa Arbacadii sheegay in muddo sideed bilood ihi aanay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh bixin mushaaraadkii Ciidamada Qalabka Sida.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa Madaxweyne Xasan ku eedeeyay in afartii sano ee la soo dhaafay isaga iyo xertiisuba ay xaalad adag u horseedeen dadka Somaliyeed, ayna isu koobeen hantidii qaranka uu lahaa.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-