Axmed Madoobe oo shaaciyey Shaqsiga Hogaamin kara Dalka Soomaaliya

0

Madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Doorashada Somalia ee dhawaan la filaayo inay dhacdo Somalia.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in qorshaha Dowlada ee ku aadan Doorashada uu yahay mid cad, waxa uuna meesha ka saaray in Somalia uusan Hogaamin doonin Madaxweyne aan ka shaqeyneynin rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.

Madoobe waxa uu tilmaamay inay jiraan Musharaxiin dhowr ah oo u caaboon Hogaaminta dalka, waxa uuna carabka ku dhuftay in Somalia aysan u baahneyn Musharaxa aan laheyn Hadaf Siyaasadeed.

”Somalia uma baahna shaqsi waliba ee waxa ay u baahan tahay Madaxweyne aan baahneyn waayo waan kasoo daalnay Madaxweyne aan fulin ballanqaadyada uu u sameeyay shacabka”

”Jubbaland waxa ay diyaar u tahay Madaxweynaha la doorto inay la shaqeyso, laakiin waxa ay ka digeysaa in Xildhibaanada ay dalka u horseedan dhibaato waxaana Xildhibaanada looga baahan yahay inay doortaan shaqsiga dalka hogaaminkara si looga dhabeeyo dhaartii ay dhaarteen”

Axmed Madoobe waxa uu sidoo kale sheegay inay adag tahay in markale dib loo dhigo Doorashada Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Doorashadu ay ku dhici doonto xiligeeda.

”Ma filaayo in laga dib dhici doono xiliga Doorashada waxaan rajeyneynaa in Doorashada ay xiligeeda ku dhacdo, muddo intaa ka badan ma suuroobeyso in la dib dhigo Doorashada”

Haddalka Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili uu jiro tuhun la xiriira in Doorashada Madaxweynaha ay dib u dhaceyso.