TOP+DAAWO:- Musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo la Kulmay Raga Soomaaliya ugu Saameynta badan, Ogow Sababta

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay siyaasiyiin caan ah oo dalka laga garanayo, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha Doorashooyinka dalka.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa la kulmay siyaasiyiinta kala ah Cali Maxamed Geedi, Salaad Cali Jeele, C/raxmaan Ibraahim Cali (Shiiraar), Garaad Cagey, Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan.

Dhinacyadan, ayaa waxay kulankoodan si wayn ugu fallan-qeeyeen arrimaha Doorashooyinka dalka iyo dib u dhaca ragaadiyay Doorashada Madaxweynaha.

Siyaasiyiintan oo dhaliilsan hannaanka siyaasadeed ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa rumeysan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka u horseeday dib u dhac baahsan, afartii sano ee la soo dhaafay.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaya in siyaasiyiintan ay isu waafaqayn, in si wada jira looga wada shaqeeyo, sidii aanu markale Xafiiska Madaxtooyada ugu soo laaban lahayn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.