DHAGEYSO:- Xildhibaanada Galmudug oo sheegay iney dib u dhigeen doorashada Madaxweynaha

0

Qaar ka mid ah xubnaha xildhibaanada ee Baarlamaanka Maamulka ayaa sheegay in suurtagal ay tahay in dib loo dhigo xilliga ay qorsheynayaan in ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Xubnaha xildhibaanada Maamulka Galmudug ee ku sugan Magaalada Cadaado ayaa waxaa maalmahan kulamo gaar gaar ah la qaadanayay xubno ka tirsan xildhibaanada Golaha shacabka, kuwaas oo dhowaan gaaray Magaalada Cadaado, si ay ugu qanciyaan ka laabashada go’ankii ay xilka uga qaadeen Madaxweyne Guuleed.

Xildhibaan Feysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa uu sheegay in aysan ka laabaneyn go’aankii ay xilka kaga qaadeen Madaxweynaha Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-