DHAGEYSO:- Maxaa laga baran karaa Doorashada Soomaaliya ?

0

Soomaaliya waxa ay galeysaa Marxalad ka duwan sanadkii 2012-ka, waxaa dalka ka dhacay Doorasho ay codeynayaan in ka badan Toban Kun oo ruux, maadaama xildhibaanada Baarlamaanka midkoodiiba ay codbixintiisa u dareereen 51 ruux.

Madaxweynaha la doortaa sanadkan 2017-ka waxa uu dalka hoggaamin doonaa mudo 4 sano ah, sida uu Dastuurka dhigayo, waxaana ay la micno tahay in uu xilka heynayo ilaa 2020-ka.

Laakiin Hoggaamiyaha la doortaa waxaa horyaalla Howlo badan oo la doonayo in uu wax ka qabto, sida dalka in uu gaarsiiyo Doorasho qof iyo codkii ah.

Musharaxiinta iminka u tartamaya xilka Madaxweynaha Dalka ayaa waxa ay gaarayaan in ka badan 20 Musharax, iyadoo midkiiba uu sameystay boorar ay ku qoran yihiin Astaan iyo hal ku dhig u gaar ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qaba aragti ah in waxa soo cel celiya dib u dhaca ku yimaada waqtiga lagu balamo Doorashada, gaar ahaan mida Madaxweynaha ay tahay arrimo siyaasadeed.

Intaas waxaa sii dheer in shacabka Soomaaliyeed ay indhaha la raacayaan sida ay wax u socdaan iyo talaabooyinka ay qaadayaan xubnaha la doortay ee Baarlamaanka Dalka, laakiin shacabka maskaxdooda waxaa ka dhex guuxaya talooyin ay u jeedinayaan xildhibaanada.

Baarlamaanka Soomaaliya sanadkan waxaa lagu soo kordhiyay xubno ka mid noqonaya Aqalka Sare oo gaaraya 54 ruux, walow markii dambe 18 xubnood lagu kordhiyay, inkastoo markii dambe dib loo dhigay.

Aqoonyahan Cabdi Cali Tooxow waxa uu ka mid yahay Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee falanqeeya arrimaha siyaasadeed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in wax badan laga bartay Doorashadii Guddoonka Golaha shacabka.

Sida uu qorshuhu yahay Maalinta Sabtida ah ayaa lagu wadaao in la dhageysto khudbadaha Musharaxiinta isku soo taagay xilka Guddoonka Aqalka Sare, iyadoo maalinta xigta ee Axada Taariikhduna ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ay dhaceyso Doorashada, intaasi kadibna la guda geli doono Doorashada Madaxweynaha.

Hoos ka Dhageyso Codka:-