DAAWO SAWIRADA:- Xaflada Dhaarinta Madaxweyne Trump Ee Magaalada Washington

0

Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo madaxweynaha 45aad ee dalka Maraykanka iyadoo boqolaal kun oo ruux oo taagaareeyaashaTrump ay ku sugan yihiin magaalada Washington.

Ganacsadihii hore haatana noqday Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku guuleystey doorashadii ka dhacday Maraykanka bishii November ee sanadkii hore kadib olole khilaaf badan uu ka dhashay.

Kumanaan askari ayaa la dhigey wadooyinka magaalada Washington  iyadoo xayndaabyo badan oo dadka lagu baaro la dhigey wadooyina soo gala halka ay xafladu ka dhacayso.

Xaflada ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynayaal hore iyo xaasaskooda waxaana ka mid ah Bill Clinton iyo xaaskiisa Hillary Clinton oo ahayd musharaxii la tartamay Trump.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush Senior oo ah 92 sano jir iyo xaaskiisa Barbara oo ku jira isbitaal ayaan ka qeybgali doonin munaasabada dhaarinta Madaxweyne Trump.

Hoos ka Daawo Sawirada:-