TOP DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo soo saartay War cusub

0

Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay isku gargaaraan madam dalka ay ka jiraan Abaaro adag oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed laga doonayo in ay iskaalmeeyaan , islamarkaana midba mid kale uu caawiyo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay tahay mid kaliya ee lagu samatabixin karo Bulshada Soomaaliyeed in ay isku tashadaan.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sidoo kale tilmaamay in abaartaan ay tahay midii ugu balaarneyd ee ka dhacda dalalka Geeska Afrika Sanadyadii lasoo dhaafay.

Qeybo badan oo ka mid ah dalka ayaa waxaa ka jira abaaro saameyn weyn ku yeeshay dadka iyo duunyada , waxaana jira dad u dhintay Abaaraha ka jira dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO