TOP DHAGEYSO:- Shacabka Muqdisho oo Afka furtay“AMISOM halaga saaro Soomaaliya”

0

Qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Tacadiyada sii kordhaaya ee ciidanka AMISOM ay u geysanayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Shacabkaan oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa waxaa ay sheegeen in ay tahay wax laga xumaado in ciidanka AMISOM oo nabad ilaalin u jooga Soomaaliya in ay dhibaateeyaan Shacabka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in AMISOM ay ka codsanayaan in ay ka baxdo dalka.

Ciidamada AMISOM ayaa dhibaato badan u geystay shacabka Soomaaliyeed , waxaana inta badan waxyeelada geysta Gawaarida dagaalka ciidanka AMISOM.

Shalay ayey aheyd Markii ciidanka AMISOM ay degaanka Calamada ay ku jiireen Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah,waxaana shilkaasi ku dhintay 10 qof.

HALKAAN KA DHAGEYSO