DHAGEYSO:- Madaxtooyada Maamulka Galmudug oo beenisay warqad lagu baahiyay baraha bulshada

0

Madaxtooyada Galmudug ayaa beenisay warqad been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo ku aadaneyd in Madaxweynaha Maamulka Galmudug uu aqbalay xilka qaadistii lagu sameeyay.

Afhayeenka Maamulka Galmudug C/laahi Xaashi Roob Da’ay ayaa waxa uu sheegay in been abuur ay tahay warqadaasi, Maamulka Galmudugna aysan ka soo bixin.

Waxa uu sheegay warqadan in ay soo saareen dad diidan dowladnimada, nabada iyo hormarka ka jira Degaanada Maamulka Galmudug.

C/laahi Xaashi Roob Da’ay Waxa uu saxaafada ugu baaqay in aysan qaadan warqad aan ka soo bixin Maamulka Galmudug, si aysan ula kulmin isla xisaabtan adag.

Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka Galmudug C/laahi Xaashi Roob Da’ay ayaa sheegay in uusan waxba iska bedelin mowqifkii Madaxweynaha ee ku aadanaa diidmada go’aankii Baarlamaanka ay gaareen.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-