DHAGEYSO:- Maamulka Magaalada Balad Xaawa “ 600 oo dollar ka badan Wiil ku Aroosi karo malahan, Maamulka ayaana lacagtaasi go’aamiyay”..

0

Dhallinyaro badan ayaa waxa ay aad uga qeyliyeen qarashka ku baxa xafladda Arooska.

Waxay go’aamiyeen in sharci ay tahay in la yareeyo qarashka xafladaha iyo guurkaba.

Maamulka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen qiimaha guurka in lagu jaangooyay 600 oo Dollar, gabadha marka ay ugubka tahay, iyagoo sidoo kale sheegay gabadha meherkeeda in ay iyada leedahay oo aysan shaqo ku laheyn.

Waxa ay sheegeen arrintan in ay timid, kadib markii ay bateen caruurta sida sharci darada ah lagu dhalo, sidoo kalena guurka uu noqday mid culees la isaga dhido.

Guddoomiyaha Degmada Beled-xaawo Maxamuud Xayid Cusmaan ayaa waxa uu sheegay xilli xun in lagu jiro, Abaaro iyo shaqo la’aana ay jirto, loona baahneyn waqtigan in la isku adkeeyo guurka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-