Dowladda Israa'iil oo raali gelin ka bixisay hadal ka fakaday diblumaasi

0

Safiirka Israa’iil u fadhiya magaalada London ayaa raali gelin bixiyay kaddib markii la duubay xubin ka mid ah howlwadeenadiisa oo leh waxaan jeclaan lahaa inaan meesha ka saaro ama sumcadda ka dilo qaar ka mid ah xildhibaanada Britain, oo uu ka mid yahay Alan Duncan oo ah wasiir haya xil arrimo dibadeed.

Muuqaalkan oo loo duubay telefishenka Al-Jazeera ayaa siyaasigan la yirahdo Shai Masot , waxaa uu sheegay in Alan Duncan uu sababay dhibaatooyin baddan.

Waxaa sidookale uu ku tilmaamay xoghayaha arrimaha dibadda ee U.K , Boris Johnson qof doqon ah . Siyaasigan Alan Duncan ayaa aad u dhaliila siyaasada Israel , isagoo na taageera qaddiyada Falastiin.

Crispin Blunt oo ah guddoomiyaha guddiga barlamaanka Britain u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa talaabadani ku tilmaamay mid ceeb ah , una baahan in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.

Safiirka Israel ee Britain ,Mr Mark Regev waxaa uu sheegay in hadalkaasi aanu aheyn mid ka turjumaya aragtida dowlada Israel .

Safiirka ayaa sidookale sheegay in hadalkan uu ka soo yeeray qof an sidaasi u qibrad badneyn , oo an xitaa ka tirsaneyn diblomaasiyiinta Israel , waxaana uu intaa ku daray in halkaasi ay ku egtahay howlihii shaqo ee uu ninkaasi u hayay safaarad.