DHAGEYSO:- Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Shiraya iyo Arrimo Xasaasi ah oo ay ka hadlayaan

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Kulan Ku Yeelanaya Baarlamaanka Soomaaliya Ajandaha Ay Maanta Ka Hadlayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Ah Inay Warbixin Ka Dhageystaan Guddiga Ay Baarlamaanku Udoorteen Inuu Diyaariyo Doorashada Shir Gudoonka Golaha Shacabka Iyo Labadiisa Ku Xigeen.

Gudoomiyaha KMG-ka Ah Ee Baarlamaanka 10-aad Ee Dalka Cismaan Cilmi Boqore ayaa Warbaahinta u sharaxay Kalfadhiga Baarlamaanka Ee Maanta Iyo Sida Howsha U Abaabulayaan.

Boqorre Ayaa Meesha Ka Saaray In dib loogu laabanyo ansixinta Miisaaniyada Saddex Bil-laha ah ee Dowladda, Miisaaniyada waxaa kulankii u danbeeyay ee Baarlamaanka hor keenay Wasiirka Malaiyada Soomaaliya Fargeeti.

Xildhibanaada ayaa diiday iney meel mariyaan miisaaniyada, waxaana Wasiir Fargeeti uu sheegay iney taas ka dhigantahay in Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka aaney wax mushaaraad ah ku leheyn Dowladda inta laga soo diyaarinayo Miisaaniyada Sanadan ee 2017-ka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-