XOG:- Saraakiil Maraykan Ah Oo Ku Geeriyootey Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in qaraxyadii maanta ka dhacay nawaaxiga garoonka Aadan Cadde gaar ahaan Hoteelka Peace ay ku dhinteen saraakiil Maraykan ah.

Saraakiishan waxay deganaayeen sida naloo xaqiijiyey Hoteelka Peace, waxaana dhintey 2 iyaga kamid ah, waliba dhowaan ayeey magaalada Yimaadeen, iyadoo sidoo kale ay jiraan rag kale oo dhaawac uu soo gaarey.

Xogta waxay sidoo kale sheegeysaa in ay jiraan ajaaniib Afrikaan ah oo waxyeello soo gaartay, balse wadamadooda iyo waxay qabanayeen  lama hayo.

Qaraxyadii maanta waxay ahaayeen kuwo aad u xoogganaa, waxaana laga maqlay guud ahaan Muqdisho.