WAR DEG DEG:- Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qarax xoogan ayaa Goordhow ka dhacay Agagaarka Xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane.

Qaraxaan oo ahaa Mid  aad  u xoogan ayaa  si weyna looga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaan  kadib aagaasi laga maqlay rasaas aan la ogeyn waxa ay tahay iyo cida rideysa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu  ka dhacay meel aad ugu dhaw Xarunta Ciidanka AMISOM  ee Xalane .

Wali si rasmi ah looma oga in weerarka lagu qaaday xarunta Xalane ama Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo labadaba isku dhow.