Ciidamo ka tirsanaa kuwa Dowladda Federaalka oo Gedo lagu dilay

0

Wararka ka imaanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Rag ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay wadada u galeen Ciidamo ka tirsan Milateriga Doalada Soomaaliya oo ka soo dhaqaaqay Deegaanka Yurkud oo ku dhow degmada Luuq kuna soo jeeday Xarunta Milateriga Dowladu ku leeyahay Degmadaasi.

Askarta oo ka koobnaa ilaa 3-Rag ah ayaa wada saarnaa Mooto ay ka soo raaceen Degaanka waxaana Rasaas ku bilaabay rag ka tirsan Xarakada Al-Shabaab kuwaasi oo isla goobta ku dilay Askarta sida ay Xaqiijiyeen Saraakiisha Milateriga Soomaaliya ee Gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa Qoryihii ka furtay Askarta markii ay Dileen waxaana goobta saacado kadib soo gaaray Ciidamo ka soo dhaqaaqay Degmada Luuq oo watay  2-ka mid ah Gaadiidka Dagaalka waxayna goobta ku arkeen meydadka Askarta oo ay Goobta ka soo qaadeen.

Dilalka qorsheysan ee loo geysto inta badan Ciidamada Dowlada ayaa ka dhaca Gobolada Dalka ee Howlgalada Milateri ay ka socdaan iyadoo ay xusid mudan tahay inay dhacaan inta badan weeraradu marka ay Ciidamadu Ujeedooyin shaqsiyadeed uga soo baxaan iyaga oo koox koox ah Goobaha ay milateri ahaan uga howl-galayaan.