WAR DEG DEG AH:- Ciidanka Somaliland oo Duleedka Buuhoodle ku dilay Labo Qof

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Duleedka Magaalada Ciidanka Somaliland  ay ku dileen Labo  oo Shacab ah.

Guddoomiyaha Degmada Buuhoodle ayaa sheegay in Ciidanka Somaliland ay dileen Labo Qof oo Rayid ah islamarkaana watay Gaari Booyad ah oo Dad Reer Guuraa ah ay biyo ugu wadeen.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in aysan Ogeyn Sababta loo beegsaday Dadka Rayidka ah ee lagu dilay Duleedka Magaalada.

Saraakiisha Somaliland weli kama hadlin Eeda ah dila Labada Qof ee Rayidka ah ee lagu dilay Magaalada Buuhoodle Duleedkeeda.