MAQAAL:- Halyey Hanan kara Hogaanka Dalka ma Haynaa? W/Q Ahmed A. Ali

0

Meelihii kale lagu hungow. Waxaa laga heli karaa hoyga rasmiga ah (Qabriga) Jaale Siyaad agtiisa★★★★★

Ilaahey ha u naxariisto Jaale Moxamed Siyaad Barre Halyey ay Dalka & Dadkiisuba u darsaeen, dhawr iyo labaatan sano kadibna ay Bulshada Soomaaliyeed tabayaan una ooyayaan.

Waan ka xumahay in maanta Soomaaliya ay gacanta u gashay koox aan Wadaninimo iyo tayo kale toona lahayn oo sida Diirta aaney waxba deeqeyn Xil iyo Xoolotoona.

Koox aan Dal, Dad iyo Duunyo toona madhxineynin oo Hogaanka talada Dalka Cadow u xushey.

Waxaa la yidhi:

Waraabe ilkihiisana uma roona, Laf meel taalana uma roona.

Kooxdani cidna uma roona marka lagu daro Beelaha iyo Jifooyonka ay ka soo Jeedaan. Waxay meesha ka saareen hab dhaqankii Soomaalidu u wada noolaan jirtay, Karaamadii iyo is tix galintii ka dhaxaysay Bulshada iyo Beelaha Soomaaliyeed iyagoo mar walba u hamuun qaba Sad Bursi iyo Quudhsiga walaalahooda ay Ab iyo Ood wadaagta yihiin.

Waxaa kale oo la yidhi: Ayax tag eelna reeb.

Waxaa wax aad looga xumaado ah sida kooxdani ay u baabi’iyeen Dalka & Dadkiisaba oo uu ugu horeeyo dhaqankii iyo meeshii kaliya ee Soomaali u fayoobeyd. Waa Marjacii loo noqon jirey marka xaaladu murugto oo ah Hogaamiye Dhaqameedkii iyo Cuqaashii Beelaha.

Waxay ka dhigeen Hogaamiye dhaqameedyadii kuwo Laaluush, Musuq-maasuq iyo dhaqan xumadii ku milmey oo ba’ay iyo kuwo ay ku kariwaayeen oo ay Kooxdani ka dul tallaabsadeen, badaleen ama dileenba.

Kooxdani waa Calooshooda u shaqeystayaal aan wadaninimo laheyn hadafkoodu yahay si ay BEESO u gurbistaan oo kaliya.

Si ay hadafkaa u gaadhaan waxay Mitir la dul taaganyihiin Dhiigii Dadka iyo Hantidii Qaranku lahaa Bad iyo Barriba iyagoo Soomaali iyo Shisheeyaba ka iibinaya.Dhaqaalaha ka soo gala iibka Hantida Qaran waxaa damacoodu yahay, in ay dib ugu hantaan Talada Dalka iyagoo taageero ka helaya Cadowga Soomaaliyeed.

Waxaynu markhaati ka nahay oynu wada daawaneynaa Kooxdan oo isku koobtay in Taladii Dalka ay iyagu isu dhii-dhiibaan Soomaalidii kalena ay ka ilaaliyaan iyagoo adeegsanaya Hantidii Qaranku lahaa iyo cudud Milatari ama Ciidan oo shisheeye oo ay ka mid yihiin kuwo aan dooneyn in Somaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.

Hadaba waxaa inala gudboon in aynu diidno Kooxdan ay Talada Dalka ku ilaashanayaan Cadowga Soomaalidu.

Anigoo Ilaahey SWT ka baryaya in Soomaaliya isagaa wax doortee uu u dooro Hogaamiye Samatabixin kara meeshuu doono ha ka soo jeedee, bal aynu eegno Jifada Talada Dalka Soomaaliya uu Cadowgu ka hor taaganyahay, haduu ku arkana uu markiiba ku soo duulo si uu uga tuuro.

Soomaalay arka, maqla, ogaada oo garowsada in maanta uu jiro Reer qudha oo uu Cadowga Soomaaliya ka ilaalinayo Talada Dalka. Reerkaasi waa Reerkii uu ka soo jeedey Allah ha unaxariistee Jaale Moxamed Siyaad Barre.

Mar walba waxaad aragtaan in ninka Siyaasiga ah ee Jifadii Jaale Siyaad ka soo jeeda ay Cadowga Soomaliya ka ilaalinayaan Talada Dalka iyagoo Maal iyo Muruqba isugu geeya in ay u iibsadaan Xil-madhibaanada Soomaaliyeed oo u adeegsada wax loogu yeedho mooshin Xilka lagaga tuuro, waa hadiiba ay kartidooda ku yimaadaan.

Siyaasiyiintaasi waa kuwo Cadowgu mar walba xidho iyo kuwo uu ku soo duulo marka uu ku arko iyagoo meel ka soo galay talada Dalka iyo kowo uu kor dhigto Daba-dhilifyo uu isagu aaminsanyahay.

Hogaamiha yeelan kara sifooyinkii Jaale Siyaad ee Dalka iyo Dadkaba badbaadin kara, Karaamadii, Sharaftii, Nabadgalyadii iyo Hanaankii Dowladnimo ee Soomaali lahaan jirteyna soo celin kara, iyadoon laga yaabin in uu Hanti Qaran, Bad iyo Barri toona iibsado halaga raadiyo Jaale Siyaad halka uu ku aasanyahey……………………….
Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com