DHAGEYSO:- Maamulka Hobyo oo beeniyay eedeyn loo jeediyay

0

Maamulka Degmada Hobyo ayaa waxa uu beeniyay in Maraakiibta Dekada Hobyo ku soo xirta laga qaado lacago Canshuuraad ah.

Gudoomiyaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug C/laahi Axmed Cali ayaa waxa uu sheegay in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in Maraakiibta Dekada Hobyo ku soo xirta laga qaado lacago Canshuuraad ah laga qaado, arrimahaasna ay wataan shaqsiyaad gaar ah.

Sidoo kale C/laahi Axmed Cali Gudoomiyaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay Go’aankaasi in ay wada gaareen Madaxda Maamulka Galmudug, kaas oo ku aadan in aan wax canshuur ah laga qaadin Maraakiibta Dekada Hobyo ku soo xirta.

Dekedan ayaa waxaa ka xamaasha dadka degan Degmada iyo Degaanada ku dhow dhow, waxaana dhowaan lagu sameeyay dayactir.

Hoos ka Dhageyso Codka:-