DHAGEYSO:- Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo 2 Xildhibaan kale oo Maanta Muqdisho lagu doortay

0

Doorashada Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi ayaa oo Maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu doortay 3 mudane oo ka mid noqon doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku  guuleysatay in  ay ka mid noqoto xildhibaanada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ee ka imaanaya deganada maamulka Somaliland.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa ka guuleysatay Haweenay la tartamaysay oo lagu magacaabo Caasha Aadan, kadib markii ay Fowsiyo heshay codad gaaraya 45 cod.

Muuse Siciid jaamac ayaa 48 cod kaga guuleystay Faadumo Cumar Nuur oo heshay 2 cod.

C/fitaax Ismaaciil Daahir oo helay 46 cod ayaa ka guuleystay Ridwaan Xirsi Maxamed, Shukri Faarax Cilmi iyo Baarliin Xasan Qalinle.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERA