DHAGEYSO:- Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe

0

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay Howlgal diyaaradaheeda dagaalka ay ka fuliyeen isniintii lasoo dhaafay gobolka Jubbada Dhexe , gaar ahaan goob u dhow degmada Saakow.

Adm. John Kirby, xoghayaha Pentagon dowladda Mareykanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Mareykanka ay isniintii ay beegsadeen Sarkaal Sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

” Waxaan Beegsanay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab , howlgalkaasi waxaa fuliyay diyaaradaheena dagaalka , laakiin ma xaqiijin karo in uu jiro khasaare soo gaaray dadka shacabka ah.” ayuu Yiri Adm. John Kirby.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in sidoo kale howlgalkaasi ay ka qeyb qaateen saraakiil ka tirsan ciidanka Nabadda Suggida Soomaaliya.

Waxaa ay xustay in ay sii wadi doonto beegsiga ay ku hayso dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Adm. John Kirby ayaa ugu dambeyntii tilmaamay in maalmaha soo socda ay shaacin doonaan Magacyada saraakiisha ay ku dileen howlgalkii ay ka fuliyeen degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Diyaaradaha dagaalka ee dalalka Mareykanka iyo sidoo kale Kenya ayaa inta badan beegsada Saldhigyada gobollada Jubbooyinka ay ku leeyihiin Xarakada Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka:-