TOP DHAGEYSO:- Baarlamaanka Soomaaliya oo berri kulan yeelanaya

0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri yeelanaya kalfadhigooda labaad.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa xaqiijiyay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya maalinta berri ah ay yeelan doonaan.

Kulanka ay yeelan doonaan xildhibaanada Labada Aqal ayaa waxaa lagu magacaabi doonaa Guddiyo ka shaqeeya xarrimaha Doorashada iyo xilliga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.

27-kii Bishan ayaa Muqdisho lagu dhaariyay 283 Xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee dalka, waxaana dhiman xubno kale kuwaas oo aan qaarna wali la dooran halka kuwana lagu eedeeyay in ay ku soo baxeen qaab aan waafaqsaneyn sharciga Doorashada dibna loo celiyay.

HALKAAN KA DHAGEYSO