DHAGEYSO:- Meydadka Rag ka tirsan Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Degmada Afgooye

0

Kadib markii shalay gelinkii dambe Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ah oo mudo kooban socday ay ku soo qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Degmada Afgooye.

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay Dagaalamayaasha Shabaab ee Dagaalka soo qaaday in ay iska difaaceen, ayna gaarsiiyeen khasaare xoogan.

Maamulka Degmada Afgooye ayaa soo bandhigay maanta meydad Shabaab ah, oo ay sheegeen in ay ku dileen Dagaalkii shalay gelinkii dambe ka dhacay Degmadaasi.

Taliye ku xigeenka saldhiga Booliska Degmada C/laahi Maxamed Xaaji oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay maanta soo bandhigeen 3 meydad ah oo Dagaalamayaasha Shabaab ka tirsan.

Shabaab ayaa marar badan sidan oo kale weeraro kala duwan ugu soo qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan fariisimaha Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay leeyihiin Degmadaasi.

Hoos Ka Dhageyso Codka:-