TOP NEWS:- Dilal Qorsheysan oo Xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

0

Dilal ayaa Siyaabooyin kala duwan waxa ay uga dhaceen Xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa waxa ay tilmaamayaan in Xaafadda lagu Magacaabo Bangaariyo oo ka tirsan degmada Hodan Rag Bastoolado ku hubeysan ay ku dileen 2 dhalinyaro oo ku sugnaa Xaafadasi.

Ciidamo Boolis ah ayaa la sheegay in meesha ay wax ka dhaceen ay isku geedaameen walow  Ragga falkaasi geystay ay baxsadeen.

Dhinaca kale Wararka  naga soo gaaraya degmada Wadajir ayaa ku soo warramaya in Nawaaxiga Suuqa Weyn Rag hubeysan ay ku dileen 2 ruux oo midkood uu ahaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kooxaha falkaas geystay ayaa iyaguna la xaqiijiyay in goobta ay ka baxsadeen, waxaana Saraakiisha Ammaanka degmada Wadajir oo aan la xiriirnay ay sheegeen in ay wadaan baaritaanno xoogan.

Dilalka qorsheysan ayaa cirka isku sii shareerayay xilligaan kala guurka ah ee doorashooyinka Madaxtinimo dalka looga diyaar garoobayo.