Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka oo shaaciyay in la mideynayo Garsooorayaasha Gobolada kala jooga

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ibraahim Iidle Sulaymaan ayaa shaaciyay in garsoorayaasha ku sugan gobollada dalka ay muhiim tahay in lamideeyo isla markaana ay ka wada shaqeeyaan si bulshada ay u heli lahaayeen cadaalad iyo garsoor mideysan loogana Hortago isku dhacyo garsoorayaaha dhexdooda ah taas oo sahli doonta sida uu sheegay in uu sharcigu shaqeeyo.

Guddoomiye Ibraahin Iidle Suleymaan ayaa tilmaamay in kulankan lagu horumarinayo adeegga Garsoor loona baahan yahay in fikrado wanaagsan la is dhaafsado maadaama caasimadda iyo Gobolada dalka lagu maamulayo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu hamuunqaba helidda Garsoor mideysan iyo cadaalad sharcigu ku dheehan yahay.