XOG CUSUB:- Cabdirshiid Xidig oo Rajo beel ku riday Siyaasadda Beelaha Daarood

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuukmadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa lagu eedeeyay in uu Musuqmaasuq baahsan kula kacay Rashiin Gargaar oo loogu tala galay Shacabka Gobolka Gedo.

Axmed Buulle Maxamed  Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdirashiid Maxamed Xidig uu Raashiinkii loogu soo dhiibay Gobolka Gedo uu ku iibsaday Magaalada Kismaayo sida uu hadalka ui dhigay.

Cabdirashiid Maxamed Xidig oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii kala duwanaa ee soo maray dalka ayaa lagu eedeeyaa in uu yahay shaqsi aad ugu xeel dheer Qabyaaladda weliba isagoo muddo dheer ku soo dhex jiray ka shaqeynta Qaranka Soomaaliyeed sida uu cadeeyay Cabdirashiid Macallin Gaas oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda Federaalka ee Gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale Cabdirshiid Macallin Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Cabdirashiid Maxamed Xidig oo haatan quud dareynaya in uu isku soo taago Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka uu kaalin weyn ku lahaa Xasuuqii Maleeshiyada Raaskaambooni iyo Ciidamada Kenya ay ka geysteen Magaalada Kismaayo.

Mid ka mid ah Waxgardka Jubbooyinka ayaa isaguna cod dheer ku sheegay in Cabdirashiid Maxamed Xidig Doorashadii Aqalka Hoose ee dhawaan Kismaayo uu ugu soo guuleystay uu ku soo baxay qaab Musuqmaasuq ah kadib markii uu Laaluushay Ergadii  u codeyneysay Kursiga beeshiisa, isagoo ka digay shaqsi Musuqmaasuq ku soo baxay in loo doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa haddii ay u suura gasho in uu ku guuleysto Guddoonka Sare ee Baarlamaanka waxa ay majaxaabineysaa Damaca beeshaasi in Hoggaanka dalka Majaraha ay u qabtaan ku aadan.