WARBIXIN XIISO BADAN:- Janaraal Xaamudoow Is Xisaabi Inta aan Lagu xisaabin!..

0

Waxay ahayd wax laga xumaado in Taliyaha Ciidamada Booliska uu qeyb ka noqdo ololaha doorashada halkii laga sugayay in Booliska uu noqdo mid dhexdhexaad ah oo ilaaliya hawlaha qaran ee loo igmaday ee ah sugidda amniga iyo ilaalinta shuruucda dalka.
Janaraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ahaa nin aad loo xushmeeyo,horena jagooyin kala gedisan usoo qabtay sida Wasiirka Gaashandigga iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda, ayaa mar uu ka hadlayay munaasabad loogu dabbaaldagayay sanad guuradii 73aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu ka sheegay, isaga oo Madaxweynaha la hadlaya, in 3 sarkaal oo hore uga tirsaneyd Ciidanka Booliska oo haatan kamid noqday mudanayaasha Barlamaanka, in ay u codeyn doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalkan ayaa xadgudub ku ah shuruucda dalka oo uu Janaraal Xaamud u xilsaaranyahay dhawristooda. Waa mide, codadka xildhibaannadu waa mid sir ah oo aysan bannaaneyn in lasii shaaciyo. Midda kale oo kasii daran waxa ay tahay in xildhibaannadii oo aan iyagu hadlin in loo hadlo.

Waxaase kasii yaab badan intaas oo dhan in uu dhaawacay Madaxweyne Xasan oo ah ruuxa ugu dambeeya oo ay tahay inuu dhawro shuruucda dalka. Madaxweynaha hortiisa ayaad sharcigii uu fulintiisa taliyaha kaaga dhigay aad ku jabisay.

Waliba dadka oo idil ayaad markhaati uga dhigtay. Waa arrin ugub ah oo ku cusub Soomaaliya iyo taariikhda Booliska Soomaaliyeed.
Mudane Janaraale saaxiibadaada iyo dad badan oo xushmad kuu hayay ayaa is weydiinaya waxa adiga oo aan qiyaasayo in si fiican u fahamsantahay shuruucda Booliska iyo dastuurka dalka aad ku hadasho hadallo guulwadeyn ah oo ka dhigaya in Boolisku yahay mid dhinac ka ah ololaha doorashada, halkii laga doonayay in Boolisku noqdo hay’ad amni oo ay muwaadiniinta tartamaya u simanyihiin.
Mudane waxaa dhici karta wax aanan ogayn inaad ogtahay ee fadlan nala wadaag sababta kugu kalliftay inaad hareer marto shuruucdii Booliska Soomaaliyeed adiga oo lagaa doonayo inaad noqoto mid ay ku daydaan ciidamada Booliska oo idil. Waxaa is weydiin mudane Janaraale, haddii aad adigii ay ciidanku ku dayan lahaayeen aad sidaas u dhaqmeyso maxay sameyn doonaan kuwa kale?.
Waxaa aniga iyo inta saluugsan hadalkaaga kaa sugayaan bal inaad naga shaafico su’aalahan kor ku xusan iyo waxa kugu xambaaray inaad shaqadii Booliska ku darto inay hal musharrax daacad u ahaadaan oo siyaasadda ku dhex milmaan.

W/Q:- Cabdinuur Maxamed Axmed