WAR DEG DEG AH:- Maamulka Baarlamaanka Soomaaliya oo shaaciyay Xilliga ay dhaceyso Xaflada dhaarinta Xildhibaanada Cusub

0

Maamulka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa caawa shaaciyey
xiliga rasmiga ah ee ay dhaceyso munaasabadda furitaanka Kalfadhiga
Golaha Shacabka.

Maamulka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw Shaaciyay in Munaasabada dhaarinta Xildhibaanada Cusub ay dhaceyso Maalinta Talaadada oo ay taariikhda ku beegan tahay 27 Bishaan December.

Maamulka Baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in la diyaariyay waxyaabihii muhiimka u ahaa Xaflada dhaarinta Xildhibaanada Cusub.

Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/kariin Buux ayaa goor dhaw hadalkaan u xaqiijiyay Warbaahinta Dowladda.

“si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka
iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer
Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada
Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka
10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada
Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta
Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu
yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha guud ee
Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaannada in ay horey u soo
qaataan kaararkooda aqoonsiga si ay ugu fududaato qabsoomidda
munaasabadda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hada loosoo doortay ee loo
asteeyey munaasabadda furitaanka in ay dhacdo 27ka December ayaa waxaa
kulankooda ugu horeeya marka la dhaariyo kadib waxaa laga rabaa iney
doortaan guddoonkooda KMGka ah sida uu Dastuurka dalku qabana waxaa
noqon doono xubinta ugu da’da weyn ayadoo amrkaasina la go’aamin doono
xiliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo ah
Guddoomiyaha iyo Ku Xigeennadiisa.