Maxaadan ogeyn oo Saakay ka Cusub Magaalada Gaalkacyo?..

0

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa degan ka dib markii shalay uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Waxgaradka iyo sidoo kale culimada gobolka Mudug ayaa wadda dadaallo kala duwan oo looga hortagayo in xiisadaha maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay Gaalkacyo ay sii xumaadaan.

Ciidamada ayaa la sheegaya in ay isku hor fadhiyaan Suuqa Weyn ee Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale Galbeedka Magaalada.

Guddiga Nabadeynta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa muuqata in ay ku fashilmeen in ay xal ka gaaraan dagaalada kusoo noqnoqday Magaalada Gaalkacyo.

Bishii September ee sanadkan ayay aheyd markii Maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku heshiiyeen Magaalada Gaalkacyo, kadib mudo bil ka badan oo Ciidamada labada dhinac ay ku dagaalameen Magaalada Gaalkacyo.