DHAGEYSO:- Keating oo walaac ka muujiyay xiisada ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo

0

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa walaac ka muujiyey xiisadda ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacayo, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan saddex qof halka ay jiraan dhaawacyo kala geddisan.

Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay dhinacyada kala geddisan inay tixgeliyaan heshiiskii xabad joojinta. Tan iyo intii isfahamka laga gaaray xiisadda Gaalkacayo, waxaa hawlgelayey guddiyo isku dhaf ah oo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug kuwaas oo ku hawlanaa sidii xiisadda jirta loogu xallin lahaa wadahadal, inkasta oo aad mooddo in meelaha qaar gaar ahaan waddooyinkii xirnaa iyo dib u furistoodu aanay u hirgelin sidii loo baahnaa.

Warkan ka soo baxay xafiiska ergeyga Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa lagu sheegay, in labada maamul ee Puntland iyo Galmudug inay tallaabo aan gacan ka hadal ahayn inay ku xalliyaan khilaafka dhexyaalla, isla markaana ay u qaadaan tallaabooyin ay dib ugu furayaan waddooyinka, ciidamadana u kala qaadaan, waxana ergeyga qaramada midoobay uu sheegay in cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida in dabagal lagu samayn doono.

Hoos ka Dhageyso Codka:-