DHAGEYSO:- Sheekh Cali Wajiis “Beesha Caalamka waxaa ay ka xuntahay doorashooyinka ka dhacay Soomaaliya”…

0

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in doorashooyinkii ka dhacay dowlad goboleedyada ay si wanaagsan oo waqti gaaban u dhaceen islamarkaana ay Beesha Caalamka ka xuntahay horumarka ay gaartay Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in markii ay doorashooyinka soo dhamaadeen ay Beesha caalamka la soo baxday liis uu ku sheegay in ay ku qoranyihiin Xildhibaanno ay diidanyihiin oo khilaaf hor leh gelinaya dalka.

Waxaa uu Sheekh Wajiis intaas ku daray in Ragga Madasha hoggaamiyayaasha qaran ay go’aannadoodii dhaqan galeen islamarkaana ay ku guuleysteen dhameystirka doorashada Soomaaliya,iyada oo la isu diyaarinayana ay beesha caalamka billowday in ay dib u dhigto doorashada Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-