DHAGEYSO:- Maamulka Degmada Heliwaa oo go'aano Culus soo saaray iyo Shacabka Degmada oo ka naxay go'aanadaasi

0

Maamulka Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dib loo soo celinayo go’aankii ahaa in Reerkii agtooda uu ka baxaa Geedka Cali Garoobka talaabo laga qaadi doono.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Xaashi Qoslaaye ayaa sheegay in ganaaxyadaasi dib loo soo celinayo, talaabana laga qaadayo cidii agteeda ama gurigeeda ka baxaa Geedka Cali Garoobka.

Guddoomiyaha ayaa ka sheekeeyay sababta Geedka Cali Garoobka uu ugu baxo ama ugu badan yahay Xaafadaha Degmada Heliwaa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-