DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Weerar ku qaaday degmada Wajeer iyo Khasaaro ka dhashay

0

Sida ay qorayaan Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Kenya Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degaano Hoos yimaada degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhimatay Weerar ay Al-Shabaab ay ku qaadeen degaanka Tarbaja oo ku dhow Degmada Wajeer.

Taliyaha Ciidanka ee degaanka Tarbaja ayaa warbaahinta u sheegay in weerar gaadmo ah Al-Shabaab ay kusoo qaadeen degaanka ,islamarkaana ay labo qof ay toogasho  ku dileen ka dibna ay Carareen.

Ciidanka Ammaanka ee degmada Wajeer ayaa heegan Buuxa la geeliyay .

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa  burbur xoogan ku geystay Anteenooyin ay leedahay shirka Isgaarsiinta Safaricom ee dalka Kenya.

Inta badan Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhaca weeraro qorsheysan oo mas’uuliyadoodu ay dhabarka u ritaan Xarakada Al Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-