DAAWO:- Kulan looga hadlayey baahida loo qabo garsoorka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha maxkamada sare dalka, xeer ilaaliyaha qaranka ,gudoomiyaha maxkamada racfaanka ,wasaarada cadaalada, mas,uuliyiin ka socday garsoorka maamul goboleedyada dalka, aqoonyahano iyo bulshada rayidka .

kulankan tala wadaaga ayaa ugu horayn hadalo soo dhoweyn ah waxaa ka soo jeediyha gudoomiyaha maxkamada racfaanka d,r, saalax sh. Ibraahin dhiblaawe.

“waxaan soo dhoweynayaa dadka garsoorka ah ee ka socda maamul goboleedyada dalka waxaan idin lee yahay soo dhawaada kulankana waa kan aayaha garsoorka dalka looga hadlayo “

Dr Axmed Cali Daahir xeer ilaaliyaha qaranka  ayaa sheegay in hay’adaha garsoorka tababaro horay loogu qabtay hadana ay kuwa kale bilaabanayaa waxaana looga gon lee yahay kor u qaadista hay’adaha garsoorka.

Tababaradan iyo talo wadaagan waxay muhiim u tahay sare u qaadista garsoorka dalka soomaaliya oo haatan bur bur ka soo kabanaya”ayuu yiri

Gudoomiyaha maxkada sare garyaqaan  Ibraahin Iidle Suleymaan oo  talo wadaagan furay ayaa sheegay in kulankan lagu horumarinayo adeega garsoor loona baahan yahay in fikrado wanaagsan aad is dhaafsataan maadaama caasimada iyo gobolada dalka lagu maamulayo.

Kulankan talo wadaaga ah ee ku saabsan qiimaynta baahida loo qabo tababar garsoor waxa uu soconayaa mudo laba maalmood ah waxaana soo qaban qaabiyay UNDP.

Hoos ka Daawo Sawirada:-