DHAGEYSO:- War Saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka, Fariina loogu diray Odayaasha Somaliland

0

War saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa waxaa lagu sheegay Hay’adda kaliya ee ku shaqada leh go’aaminta xilliga Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ay bilaaban doonto in ay yihiin Guddiga Doorashooyinka Dalka.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in keligood ay go’aan ka gaarayaa natiijada doorashada Aqalka Sare ee Xubnaha ka imaanaya gobolada Waqooyi ee Dalka.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Somaliland ayaa horey u sheegay 24-ka Bishan oo Maanta ku beegan in ay bilaaban doonto Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ka dib markii ay sheegeen in la xaliyay Murankii ka taagnaa.

Hoos ka Akhriso Warqada, kana Dhageyso Codka:-