TOP DHAGEYSO:- 5 Qof oo lagu la'yahay Dooni Ganacsi oo ku degtay Xeebaha Boosaaso & Dad laga soo bad baadiyey.

0

Dooni uu ka babanayey Calanka dalka Hindiya kana timid dalka Cumaan oo shixnad Ganacsi u siday Ganacsato reer Puntland ah ayaa ku degtay meel Qiyaastii 14 Mile u jirta Dekadda Magaalada Boosaaso, waxaana doontaas la socday 12 Shaqaale ah oo 2 la ka mid ahi ay Soomaali yihiin.

7 ruux oo uu ku jira Hal nin oo Soomaali ah ayay doon kalluumaysi oo xeebaha ku sugnayd soo badbaadisay waxaana illaa hadda la yahay 5 ruux oo uu ku jiro nin kale oo Soomaali ah, sida oo uu warbaahinta gudaha u sheegay Mustafe Shanle oo ah Wakiilka Puntland ee Shirkadda ay doontaani Shixnadda u sidday.

Halkaan ka dhageyso codka Mustafe Shanle.

Dhinaca kale nin lagu magacaabo Cabdi Gurey oo ka mid ahaa dadkii lasoo badbaadiyey ee doonta la socday ayaa ka warramay sida wax u dhaceen wuxuuna sheegay inay doonta Rogeen Mowjado dabaylo wata, wuxuuna ka sheekaynayaa halka ay ku dambeeyeen dadkii kale ee doonta la socday.

Cabdi Waxaa uu intaa ku daray dhamaan Shaqaalihii inay Xirteen Agabka Badbaada Badda loogu Talagalay Waxaana Galabta Talaado ahayd ay soo Heshay Doni Kaluumeysi oo ku sugneyd Xeebaha Boosaaso 7 ka mid ah Dadkii Doonida Saarnaa.

Ma jirto faahfaahin Dheeri ah oo kale oo laga Hayo Doonida ka soo Socdaashay Cumaan ee ku Degtay Xeebaha Boosaaso Waxaana socda Gurmad ay Wasaarada Dekadaha u dirtay Xeebta Si loo baadi goobo Dadka Maqan.

Halkaan ka dhageyso codka Cabdi Gurey.

Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda Dekadaha Dawladda Puntland ayaa Gurmad u dirtay Xeebaha Magaalada boosaaso si loo gaadi goobo 5-ta ruux ee la la yahay.