Tartanka Kubbada Kolleyga oo ka furmaya Garowe

0

Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland maanta waxaa lagu wadaa in uu ka furmo Tartanka Kubbada kolleyga Gabdhaha ee Basket Ballka.

Tartankan ayaa waxaa marti gelinaya Maamulka Puntland, waxaana ka qeyb galaya kooxo ka socda Maamul Goboleedyada Dalka ka jira oo ay ka mid yihiin Galmudug, Hirshabeelle, Jubbland iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa laga dareemayaa Magaalada Garowe diyaar garow ku aadan ciyaaraha Tartankan, Waxaana Magaaladaasi gaaray Ciyaartooy Gabdho Soomaaliyeed ah oo ka kala yimid Maamul Goboleedyada Dalka iyo Dibadda.

Tartankan ayaa waxaa fududaynaysa Hay’adda USAID, waxaana Garowe ku sugan korjoogto Caalami ah oo ka yimid Dibadda.

Tartanka Kubbada Kolleyga Gabdhaha ayaa markii ugu horeysay lagu qabanayaa Magaalada Garowe tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee Soomaaliya .