DHAGEYSO:- QM oo go’aano culus ka soo saartay Qaxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab ee Kenya

0

Hay’adda Qaramada Midoobey u qabailsan Qaxootiga ee UNHCR,ayaa sheegtay in dadka ku dhaqan Xerada Dhadhaab ay hadda wajahayaan mid ka mid ah xaaladaha nololeed ee uu wajaho bani’aadamka.

Waxaa ay sheegtay UNHCR,in Dadka Dhadhaab ay wajahayaan hubanti la’aan mustaqbalkooda iyo noloshoodaba ah,kadib markii ay isugu darantay cunto la’aan iyo cadaadis ka heysta Dowladda Kenya.

Kenya waxaa ay go’aamisay in bisha juun ee 2017-ka la xiro kama dameys dhadhaab,waxaana ay muddadaas bil ka horreysaa doorashada Waddaankaas ka dhaceysa.

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP,ayaa isna sheegay in ay billowday cunto dhimis ay ku sameyneyso Dadka Dhadhaab laga billaabo December 2016,taas oo aan loo heyn waqti go’an oo ay ka soo kaban karto.

Afhayeen u hadlay WFP,waxaa uu sheegay in ay arrintaasi sababtay kadib markii ay hoos u dhaceen lacagihii lagu bixin jiray quudinta dadka Dhadhaab sidaas darteedna ay qasab ku noqotay in ay cunta ay bixiso dhinto.

Shirar badan oo looga hadlayay horumarinta Dadka Qaxootiga ah ayaa dhacay Sanadkan 2016ka,waxaana ay dadaalladaas oo dhan u muuqdaan hal bacaad lagu lisay.

“Dhadhaab Dadka deggan haddii ay joogaan ma helayaan ma helayaan Raashin,waqtigii ay Kenya u qabatayna waa uu ku socdaa haddii ay Soomaaliya soo galaanna waxaa ay wajahayaan Baahi,Abaar iyo Amni darro ka jirat Soomaaliya”,sidaas waxaa yiri isku duwaha arrimaha bani’adamnida u qaabilsan Qaramada Mioobey ee Peter de Clercq.

Waxaa uu sheegay in Qof kasta oo kulaabanayo Soomaaliya la siinayo $200 Doollar oo uu kaga baxayo Dhadhaab,Soomaaliyana lagu siinayo $200 oo dollar oo kale iyo raashin muddo 90 Cisho ah,laakiin hadda intaas oo dhan meesha waa ay ka baxeen waxaana la la’yahay Hay’adihii iyo Dowladihii qaaraanka ku bixin jiray Qaxootiga Dhadhaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-