Yaraynta hawlaha qaybta war qabadka ee BBC oo laga dayriyay

0

Guddiga baarlamaanka Britain u qaabilsan difaaca ayaa dawladda uga digaya wax uu ku tilmaamay saamayn aad u xun oo ka dhalan doonta dhimidda lagu samaynayo qaybta warqabadka ee BBC ama BBC Monitoring Service.

Xafiisyada warqabadka ee qorshaha dhimidu uu aadka u saamaynayo waxaa ka mid ah midka Caversham Park, oo dhaca bariga magaalada London.

Qaybo badan oo xafiisyada dawladda Britain ah ayaa isticmaala macluumaadka ay aruuriso qaybta warqabadka oo luuqado badan ka turjumata wararka ay tabiyaan warbaahinta caalamka oo dhan.

 

Wasaaradaha isticmaala qoraalada qaybta warqabadka ee BBC waxaa ka mid ah wasaaradda dicaafa iyo laamaha sirdoonka Britain.

Balse haddaba dawladda ayaa qaybta warqabadka ka jartay soddon milyan oo doolar oo sanad kaste la siin jiray, waxaana jira qorshe kale oo lagu sii dhimayo kharashaadka ku baxa kuwaas oo ay ka mid yihiin in la sii yareeyo shaqaalaha iyo in la iibiyo dhismeyaal ay leeyihiin.