XOG:- Xasan Sheikh oo dabin u dhigay Jabriil Ibrahim C/dulle+Qorshe halis ah..

0

Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo ah Musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ee 2016-ka ilaa iyo 2020-ka ayaa hada la sheegayaa iney soo wajaheen caqabado badan oo laga yaabo in ugu danbeyn ku qasbaan inuu ka laabto go’aankiisa musharaxnimo.

Ilo ku dhow Musharax Jabriil ayaa sheegaya in culeys badan uu kala kulmay Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa,kuwaasi oo ka dalbaday inuu ka laabto go’aankiisa musharaxnimi,islamarkaana uu taageero madaxweyne Xasan Sheikh oo mar kale sharxan.

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kulan la qaatay Waxgaradka Beeshiisa ayaa ka dalbaday iney ku taageeraan go’aanka uu qaatay,balse ay ku war geliyeen iney kalsooni buuxda ay siiyeen Xasan Sheikh Maxamuud oo horay kulan weyn ula yeeshay,sida ay Odayaasha ay sheegeen.

Waxay jabriil ku laab qaboojiyeen inuu yahay Wiilkooda uu tartanka hami ka leh,balse muhiim tahay in Beesha ay ka soo wada jeedaan in midkood guusha ay raacdo,sidaasi ay kaga dalbadeen inuu taageero Xasan Sheikh Maxamuud oo howshani isaga kaga horeeyay.

Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle oo 19-ka september ee sanadkan 2016-ka isku soo taagay xilka madaxtinimo ee dalka ayaa ku micneeyay sababta uu xilkan ugu soo istaagay inuu damacsan yahay inuu badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Hadaba waa kuma Jibril Ibrahim  Cabdule:

Jubril Ibrahim Xasan waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdishi 1969kii, isagoo isla magaaladan ku qaaday waxbarashada ilaa dugsi sare.

1990-1995: Cilmiga Sociology iyo Public Administration ayuu ka dhigtay Carleton Universiy, Otota ee dalka  Canada  isagoo heysta shahaadada koobaad ee  Political science, waxaa uu si gaar ah ugu taqasusay xallinta khilaafaadka.

Mr. Jibril waxaa uu hadda madax ka yahay hey’adda Centre for Research and Dialogue (CRD),  hey’addan oo ay wada aasaaseen isaga iyo Dr. Cabdiqadir Yaxye.

Murashaxan cusub waxaa kaloo uu ka soo shaqeeyay wasaaradda cadaallada Canada, Dowladda Sweden, Unicef iyo hey’ado kale.

Jibriil oo la hadlay Warbaahinta waxaa uu sheegay in hey’adda uu madaxka ka yahay ay saameyn ku leedahay  wadanka oo dhan, ilaa 36 Nabadeyn ayey fuliyeen, Cilmi baaris badan ayey sameeyeen, Maamullada iyo dowlad goboleed ay ka mid tahay Galmudug ayey dhismaheeda ka qeyb qaateen, Dowladaha Soomaalida ee Kenya lagu soo dhisay waxaa ay ka qeyb qaateen ilaa howlo badan.

Lama oga waxaa uu ku soo kordhin doono masraxa siyaasadda iyo xitaa tartanka madaxtinimada oo haatan u muuqda mid meel xasaasi ah maraya.