Weeraro ay geystaan Al-Shabaab oo laga digay

0

Hay’addaha Ammaanka dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in ay jirto khatar ku aadan in Al-Shabaab ay weeraro khasaare badan geysta ay qorshaynayaan in ay  ku qaadaan Magaalooyinka Lamu iyo sidoo kale Mombaza.

Isuduwaha gobolka ku yaalla Xeebta Nelson Marwa ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca ee Kenya (KDF) ay u diyaarsan yihiin in ay ka hortagaan weerardaasi ay ka digayaan Hay’adda Ammaanka dalka Kenya.

Marwa ayaa sheegay in Ammaanka Magaalooyinka Laamu iyo sidoo kale Mombaza si weyn loo adkeeyay , islamarkaana ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha ay isu yimaadaan dad weynaha.

” Qaar ka mid ah Kooxaha Argagixisada ayaa isku diyaarinaya in ay weeraro ka geystaan dalka Gaar ahaan Mombaza iyo sidoo kale Laamu ,waxaana dad weynaha u sheegaynaa in ay muujiyaan feejignaan ciidankana heegan buuxa ayaa la geeliyay aadna waa loo qalabeeyay” sidaas waxaa yiri Marwa.

Hoteelada iyo sidoo kale goobaha ay isku yimaadan dadweynaha ayaa sirdoonka dowladda Kenya ay ka digayaan in ay ka dhacaan weeraro.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ciidamo aad u badan ay geysay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya si aysan u soo gudbin dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.