WAR DEG DEG:- Ciidamo Gadoodsan oo la Wareegay Kontoroolo ku yaalla Gobolka Shabellaha Dhexe

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Gadoodsan ay la wareegeen Kontoroolo Canshuurta lagu qaado oo ku yaalla Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka oo Mushaar la’aan ka cabanaya ayaa qabsaday Saddex Kontorool oo kala Qalimow, Garsaale iyo Ceelka-Geelow oo hoostaga Degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiisha Hogaaminaya Ciidanka Gadoodsan ee Kontoroolada qabsaday ayaa sheegay in aysan heli wax Mushaaraad ah Bilihii la soo dhaafay islamarkaana ay sidaa u qabsadeen.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa wada Dadaalo ay Ciidanka Gadoodsan dib ugu Celinayaan Xeryahoodii looguna qancin lahaa in ay baneeyaan Kontoroolada.

Isku socodka Gaadiidka isticmaala wadada u dhexeeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa Caadi ah,mana jirto wax Hakad ah oo ku yimid.