Trump oo helay codka Ergada doorashada Maraykanka

0

Donald Trump ayaa la xaqiijiyay in uu yahay madaxwaynaha 45 ee dalka Maraykanka

Ergada doorashada Maraykanka ayaa ansixiyay madaxwaynenimada Donald Trump inkastoo wakhtiyadii u dambeeyay ay socdeen dadaallo lagu dalbanayay in ay diidaan in uu maamulo Aqalka Cad.

Lix todobaad ka dib markii uu ku guulaystay doorashada xisbiga Jamhuuriga ayaa helay 270 kii xubnood ee loo baahnaa si ay ansixiyaan guusha Trump.

Trump markii uu guulaystay wuxuu balan qaaday in uu dadaal badan galin doono in uu mideeyo dalka uuna madaxwayne u noqon doono cid kaste.

Intaas ka dibse ergadan waxaa soo gaaray taleefanno iyo email-lo aad u badan oo loogu baaqayo in aysan taageerin madaxwaynenimada taajirkan.

Codayntan ergada ayaa ah mid ah mid soo jireen ahayd balse doorkan waxaa hareeyay eedaymaha sheegaya in dad Ruushka ay isku dayeen in ay saameeyan natiijada doorashada Maraykanka.