TOP DHAGEYSO:- Sababta ka dambeysa in xilka laga qaado Masuulka Puntland oo la ogaaday

0

Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland ayaa Warqad ay Xalay soo saareen waxaa ay Shaqadii uga Joojiyeen Taliyaha Qeybta Boliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Gaashaanle Sare C/waaxid Cabdulle Warsame.

Guddiga ayaa sheegay in Taliyaha uu Gudan waayay Waajibaadkiisii Shaqo islamarkaana Shaqo Gudasho la’aan Shaqada looga joojiyay.

Dhanka kale Gaashaanle Sare C/waaxid Cabdulle Warsame oo la hadlay Idaacadda Codka Nabadda ee Magaalada Gaalkacyo ayaa ka soo horjeestay Shaqo ka joojinta lagu sameeyay,waxaana uu xusay in Guddigu uusan Shaqada ka joojin karin.

Gaashaanle Sare C/waaxid Cabdulle Warsame ayaa intaa ku daray in Wasiiro ka tirsan Puntland oo Gobolka Mudug ku sugan ay ka dambeeyaan Falkaan,waxaana uu xusay in Wasiiradaa ay doonayaan in Gaalkacyo aysan Dagaal ka bixin islamarkaana Gaadiidkii horay Puntland ay u xanibtay aan la fasaxin oo ay Xanibnaadaan,wuxuuna intaa ku daray in Taliye ahaan uu Fikirkaas si weyn uga soo horjeedo.

HALKAAN KA DHAGEYSO