TOP DHAGEYSO:- Madaxweynaha Galmudug oo War deg deg ah Muqdisho kaga dhawaaqay

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay Shaqadda ka socota Dekedda Magaalada Hobyo ee Maamul Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa ugu baaqay Ganacsatada ka soo jeeda Degaanada Maamulkaasi in ay Maalgashi ku sameystaan Galmudug oo hadda Ififaale Ganacsi uu ka muuqdo.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Galmudug ay Xil iska saari doonto Ganacsatada iyo iyo Ganacsigooda islamarkaana ay heli doonaan Ammaan ay ku naaloodaan.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa ku soo aadaya Xilli Dekedda Magaalada Hobyo ay dib uga bilaawdeen in Doomaha Ganacsatada u raran ay ku soo xirtaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO