TOOS ULA SOCO:- Waa Sidee Saaka Xaalada Magaalada Muqdisho ?

0

Waxaa guud ahaan si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,iyadoo ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid feejigan lagu arkayo wadooyinka iyo isgoysyada muhiimka ah.

Wadooyin muhiim u ah marida gaadiidka iyo dadweynaha ayaa saakay la xiray,waxaana shacabka u kalahaya goobaha shaqada iyo waxbarashada ay yihiin kuwo lugta maalaya.

Sababta ugu weyn ee wadooyinka loo xiray waxaa ka mid ah u dabaal dagista sanadkaa 73-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidamada Booliska Soomaaliya 20-ka Decembar oo maanta ku beegan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ayaa hambalyo u diray Ciidamada Booliska.