TOOS U DHAGEYSO:- Ciidamo gaar ah oo lagu arkayo Muqdisho iyo Wadooyinka qaar oo xeran

0

Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa xiran xilli ay maanta ku beegan tahay dabaal dega Maalintii la aas aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Isgoysyada Saydika, Sheekh Cali Suufi , Maana booliyo  iyo kuwa kale ayaa xiran.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa lugeynaaya Wadooyinka loo yaqaano jid cadaha si ay u gaaraan goobahooda shaqada.

20-kii December sanadkii 1943 ayay ahayd markii la unkay ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana ay maanta  ku beegantahay 20 december oo ah 73 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Munaasabada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlaya Muhiimada ay u leedahay Ciidanka Booliska 20 december.

HALKAAN KA DHAGEYSO