Soomaaliya oo safiir u magacowday Sweden

0

Dowladda Soomaaliya ayaa Safiir cusub u Magacowday dalka Sweden oo ka mid ah dalalka ay kunool yihiin dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ah.

Danjirahaan  ayaa lagu magacaabaa Cawaale Cali Kulane, kaasi oo Dowladda Soomaaliya horay ugu metelayay Qaramada Midoobay.

Cawaale Cali Kulane ayaa horay ula soo shaqeeyay dowladihii dalka Soo maray gaar ahaan midkii KMG  aheyd ee uu hoggaanka u hayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Soomaalida kunool dalka Sweden ayaa soo dhaweeyay Safiirka cusub.

Dowladda Soomaaliya muddo dheer kuma lahayn Safiir dalka Sweden.