Soomaali lagu Weeraray Masjid ku yaalla Magaalada Zurich

0

Nin hubeysan oo ku labisan dhar Madow ayaa weerar ku qaaday Masjid ay ku badan yihiin dad Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Zurich ee dalka Swistland.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Magaalada Zurich ayaa sheegay in Masjidka uu weerar ku qaaday nin aan Muslim aheyn oo ka mid ah dadka kunool Magaalada Zurich.

Inta la xaqiijiyay 3 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacan tahay weerarkaasi sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska Magaalada Zurich.

Dhaawaca 3 qof ee Soomaaliyeed ayaa lagu dabiibaya isbitaalka Magaalada , waxaana la sheegaya in xaaladooda Caafimaad ay soo hagaageyso.

Ciidanka Booliska ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee kunool Zurich in ay is dajiyaan ,islamarkaana ciidanka ammaanka ay ku sameyn doonaan Baaritaano dheeraad ah dhacdadaani.

Dhacdadaan ayaa ah midii ugu horeeysay ee loo geysto dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Zurich.