Ruushka oo baareyaal u diray Turkiga

0

Dawladda Ruushka ayaa baareyaal u dirtay dalka Turkiga ka dib markii nin booliis ah uu dilay danjirihii Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara.

Mevlut Mert Aydintas ayaa toogtay Andrei Karlov oo khudbad jeedinaya Isniintii, iyadoo ay u muuqatay in ninkaasi uu diidanaa faragalinta Ruushka ee arrimaha magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Ma cadda in wiilkan 22 jirka ah ee ka tirsanaa booliiska rabshadaha ka hortaga in uu wax calaaqaad ah la lahaa urur.

Markii dambe ayaa isagana toogasho lagu dilay.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarkan looga gol’lahaa in lagu dhaawaco calaaqaadka ay Ruushka la leeleeyihiin.

Arrintan ayaa timid maalin uun ka dib markii uu dhacay mudaaharaad lagu diidanaa taageerada uu Ruushku siiyo madaxwaynaha Suuriya Bashar Al-Asad.