Madaxweynaha Kenya oo dalbaday in la taageero AMISOM

0

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka dalbatay Midowga Yurub in ay kordhiyaan taageerada ay siinayaan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay  Madaxweynaha dowladda Kenya in khatarta Al-Shabaab ay tahay mid wali taagan ,islamarkaana Al-Shabaab ay khatar ku yihiin jiritaanka Qaarada Afrika iyo sidoo kale dunida inteeda kale.

Uhuru Kenyatta ayaa xusay in dagaalka Al-Shabaab uu yahay mid Caalami ah ,islamarkaana ay haboon tahay in loo Midoobo.

” Midowga Yurub waxaan ka codsanaya in ay xoojiyaan taageerada ay siiyaan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM , Waxaa loo baahan yahay in lagu taageero dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab si gobolka uu xasilooni iyo ammaan u helo” sidaas waxaa yiri Madaxweynaha dowladda kenya.

Dowladda kenya ayuu sheegay in ay ka go’an tahay in ay sii wado kasii mid ahaanshaha howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa uu ugu dambeyntii xusay in dowladda Kenya ay wajaheyso dagaallo culus oo ka imaanaya Al-Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa ka mid ah howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM , Waxaana ciidankii ugu horeeyay ee Kenya ay Soomaaliya soo galeen sanadkii 2011 kii.